U bood dhigaalka

Hoggaamiyeyaasha Soomaalida Oo Ku Heshiiyay Barnaamij Abaarta Looga Kabto, Looguna Dhabar-adeego

Sheeko:Dalka

Shir talaadadii ka dhacay Muqdisho, dowladda Soomaaliya, maamul goboleedyada, gobolka Banaadir iyo beesha caalamka, waxaa looga hadlay sidii looga gaashaaman lahaa,  looguna diyaar garoobi lahaa abaaro kale oo Soomaaliya soo wajaha iyo habka ugu haboon ee loo hubin karo in gargaarka la gaarsiiyo dadka loogu talagalay, taas oo ay ugu deeqeen dawladooda iyo hay’adaha caalamka.

Inta uu shirka socday, waxaa ay isku af-garteen dowladda iyo dadkii kale ee ka soo qeyb-galay qaabka looga kabto ama dhabar-adeego abaarta, qaabkan oo loo bixiyay Recovery and Resilience Framework (RRF), barnaamijkan oo la leeyahay waxaa uu meesha ka saari-karaa ama ka hortag iyo jawaab ka bixin karaa  Abaaraha soo noq-noqda ee Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay shirka, waxa lagu sheegay in sanadkan loo baahan yahay 1.5 Bilyan si barnaamijkaas loo hirgeliyo, 1.5 Milyan ayaa Qatar ku jira sida la sheegayo.

Shirka waxaa joogay, Ra’isul wasaare Kheyre, wasiirro xukuumadda, qaar ka mid ah Hey’adaha Qaramada midoobay, madax ka socotay maamul goboleedyada iyo Safiirada dalalka taageera Soomaaliya.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada