U bood dhigaalka

Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka Qaarkood Oo Maanta Ku Wajahan Jowhar

Sheeko:Dalka

Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe gaaraan hogggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka qaarkood, gaar ahaan xubnihii maalintii shalay ahayd gaaray magaalada B/weyne.

Wariyaheena Aadan Xuseen Daa’uud ayaa soo sheegaya in qaban qaabada soo dhoweynta mas’uuliyiintan laga dareemayo guud ahaan magaalada Jowhar.

Xubnaha tagi doona magaalada Jowhar waxaa ka mid ah sida uu sheegay wariyaheena, Musharax C/raxmaan C/shakuur, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, Ra’iisul wasaare hore C/weli Sheekh Axmed iyo Mas’uuliyiin kale.

Siyaasiyiintan waxay shalay tageen magaalada B/weyne ee gobolka gobolka Hiiraan, halkaasi oo kulamo ay kula soo qaateen waxgaradka diiddan shirka Jowhar.

Waxay iyaga iyo waxgaradka isla garteen in dib loo dhigo maamulka loo sameynayo Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News