U bood dhigaalka

Hoggaanka Labada Aqal Ee BF Oo Khudbado Ka Jeediyey Kulanka Wakiillada Puntland

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka  Soomaaliya ayaa maanta magaalada Garoowe kaga qeyb galay xiritaanka  kulankii 44-aad ee  golaga wakiilada dowlad gobaleedka Puntland.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh, Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka sare Abshir Maxamed Axmed , iyo xildhibaanno labada gole ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya , ayaa  xaadir ahaa xiritaanka kulanka golaha wakiilada Puntland.

Guddoomiyaha golaha wakiilada dowlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Axmed Dhoobo, oo furay kulanka ayaa uga mahad celiyay mas’uuliyiinta guddoonka labada gole ee fedetraalka ka soo qeybgalkooda, waxaa uuna sheegay in golayaasha ay leeyihiin xiriir wanaagsan waxaana uu yiri” Golayaashu xiriir fiican ayaa ka dhaxeeyo  wada shaqeyn fiican ayeey leeyihiin, marna xiriirkoodu maxumaanin,waxaana rabnaa in la sii hagaajiyo, marabno sida xukuumaduhu isku riix riixayaan is riixriix naga dhagaxeeyo majiro, midkaas xukuumaddana, annaga ayaa golayaal ah waa inaan annagu saarno wax weynna ma ahan, Qaranimada waa inaan ilaashanno”

Sidoo kale goddoomiye ku-xigeenka Aqalka sare Abshir Maxamed Axmed, oo goobta ka hadlay ayaa bogaadiyay golaha wakiilada Puntland, waxaa uuna xusay in ay hormuud u yihiin golaha sharci dajinta ee dowlad gobaleedyada waxaana hadalkiisii ka mid ahaa” Sida lawada ogyahay golaha wakiilada Puntland waa  hey’adda ugu da’da weyn hey’adaha xeer dajinta dhamman dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ee Soomaaliya, waxaa  uuna udub dhexaad uu u yahay  jiritaanka dowladeed ee heerka labaad ee federaalka Soomaaliya’ waxaan idiin ku bogaadiyaa shaqada wanaagsan ee aad u heysaan deegaanada Puntland iyo dadkeeda, waxaadna tusaale wanaagsan u tihiin matalaadda looga baahan yahay  xildhibaanada ka tirsan golayaasha xeer dajinta dowlad gobaleedyada”

Dhanka kale Seneter Cabdiraxaa faroole oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay tahay arrin wanaaagsan in maanta golihii sharci dajinta ee ugu sareeyay federaalka ay maanta joogaan xiriraanka kulankii 44-aad ee golaha wakiilada Puntland waxaana uu yiri” Kulankaan fiican ee maanta is ku soo aaday kulankii golihii waliilada oo xirmayo oo ku soo beegmay inuu nasiib u yeesho iyadoo barri loo dabaal dagayo munaasabaddii 21-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Puntland, ayna ka soo qeyb galeen guddoomiyayaashii iyo xildhabaanadii xeer dajinta Jamaariyadda federaalka ee Soomaaliya

 

Ugu danbeyn  guddoomiyaha golaha shacabka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh, ayaa xusay in sharaf ay  tahay golaha ay kal soo qeyb galaan xiritaanka kulankii 44-aad ee golaha wakiilada Puntland iyo xuskii 21-aad ka soo wareegtay aasaaskii Puntland, wuxuuna yiri”  Marka hore waxaan mahad gaar ah u jeedinayaa ma’suuliyiinta iyo shacabka Puntland, ujeedka aniga iyo wafdigeyga waxaa ay tahay inaan idiin kala qeyb galno xuska sanad guuradii 21-aad ee maanlinkii la aas aasay Puntland oo ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo xiritaanka kala fadhigii 44-aad ee  Aqalka wakiilada Puntland”

Goobjoob News