U bood dhigaalka

Xogheyaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Ra’isul Wasaare ku xigeenka Koobaad ee Kuweit iyo Mas’uuliyiin kale oo Maanta Muqdishu Ku Yimid Booqasho Taariikhi ah:

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaarihiisa ayaa maanta Muqdishu kula kulmay wafti ka socday ururka Jaamacadda Carabta.

Waftigan Carabta oo ah waftigii ugu heer sareeyay ee soo gaaraya Muqdishu tan iyo markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdishu.

Xasan Sheekh oo ka hadlayey shirka Jaraa’id ayaa wadamada Carabta ku amaanay sida safaaradahooda ay ugu shaqeeyaan dalka.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in kulankooda uu qeyb ka ahaa wada shaqeynta Soomaaliya iyo dowladaha carabta sanadka cusubna la qaban doono shir jaamacadda Carabta ay u qabaneyso Soomaaliya oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ku saabsan horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya.

R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimha Dibadda dalka Kuweiyt Sheekh Sabaax Khaalid Xaamid Al Sabaax oo isna dhankiisa ka hadlay kulankii maanta ayaa waxa uu sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in muqdisho ay soo booqdaan ayna diyaar u yihiin caawimaada dadka iyo dalka.

Wafdigan ayaa ka soo kicitimay magaalada Khartuum ee dalka Suudan, waxaana hogaaminayay Wasiirka arrimaha dibada Kuwait ahna Ra’iisul wasaare kuxigeenka, waxaana ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibada Maurintania Ahmad Ould Tegeude iyo Xoghayaha Guud ee Jaamacada Carabta Nabil Al-Carabi.

Soomaliya waxay Jaamacadda Carabta ku biirtay bishii February 14, 1974-tii, Jaamacadda Carabta waxaa la aas-aasay March 22-keedii 1945-tii waxaa lagu aasaasay magaalada xeebta ah ee Alexandaria, waxaa xubno ka ah in ka badan 22-dal oo Carab ah, Xarunta Jaamacadda waa Qaahira.

a4a3

 

 

 

 

 

 

 

a2Arab