U bood dhigaalka

Hoobiyeyaal Lagu Weeraray Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb

Sheeko:Amniga

Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa tiro Hoobiyeyaal ah oo habeenkii xalay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabab ay ku wareerareen garoonka diyaarada Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Madaafiicda ku dhacda gudaha iyo hareeraha garoonka ayaa lagu sheegay ine gaarayeen ilaa 5 hoobiye , waxaana inta la xaqiijiyey madaafiicdaas uu dhaacwac kasoo gaaray labo ruux oo shcab ah.

Ciidamada AMISOM eek u sugan garoonka diyaaraha ee Jabuuti iyo Itoobiya ayaa saaka howlgallo ka wada duleedka garoonka diyaarada Dhuusamareeb, iyagoo baadi goobayo raggii xalay weerarka geystay.

Al-shabab ayaa dhowr jeer weerro kala duwan waxaa ay kusoo qaadeen garoonka diyaarada magaalada Dhuusamareeb, waxaana inta badan ay iska cabin kala kulmaan ciidanka AMISOM ee  ilaaliyo garoonka.

Goobjoog News