U bood dhigaalka

Hoolka Golaha Shacabka: Ilaalada Iyo Ciidanka Oo Ka Badan Xildhibaannada

Sheeko:Baarlamaanka

Sida ay Goobjoog News u sheegay Xildhibaanno ku sugan gudaha hoolka golaha shacabka, 27 Xildhibaan ayaa hadda ku sugan hoolka gudahiisa.

Xildhibaannada gudaha ku jira waxaa u badan taageerayaasha guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kuwaas oo diiday mooshinka ay waddo xukuumadda Xasan Kheyre.

Hoolka waxaa sidoo kale ku sugan ciidamo booliis ah oo aan la ogeyn cidda goobta geysay, waxaana laga shaki qabaa waxa ay damacsan yihiin marka uu shirka bilowdo.

Goobjoog News