U bood dhigaalka

Hoos U  Dhac ballaaran  Oo Laga Dareemayo  Suuqa Xoolaha Magaalada Kismaayo

Sheeko:Dalka

Waxaa maalmihii ugu dambeeyay hoos u dhac ballaaran laga dareemayay suuqa xoolaha ee magaalada Kismaayo iyada oo loo sababaynaayo abaaraha ku dhuftay qeybo badan oo ka tirsan waddanka, kuwaas oo sameyn buuxda ku yeeshay dhaqdhaqaaqa ganacsi ee suuqa xoolaha ee magaalda Kismaayo.

Maamulka suuqa xoolaha ee magaalda Kismaayo ayaa waxa uu warbixiyay xaaladda suuqa iyo sida hadda uu yahay .

Guddoomiyaha suuqa Ibraahim Cali Qeyley ayaa waxa uu Goobjoog News uga warbixiyay xaaladda guud ee suuqa xoolaha ee magaalda Kismaay, waxa uuna yiri “Suuqa waad arkeysaan xoolaha waa xoolo abaaraysan daaqana wuu ku yaryahay, biyahuna way ku yaryihiin xoolaha xoolaha, waxaa ka muuqda abaar iyo macluul “.

Dadka suuqa u iib keena xoolaha iyo kuwa iibsadaba waxay ka walwalsanyihiin in caqabadaha suuqa xoolaha nool haysta  iyo dhibaatooyinka soo wajaha suuqa.

Si kastaba ha ahaatee  waxaa xusid mudan in suuqa xoolaha magaalada Kismaayo uu yahay  suuqa ugu weyn eek ala iibsiga xoolaha nool ee deegaannada ku yaallo maamulka Jubbaland.

Goobjoog News