U bood dhigaalka

Hoos u Dhac Ku Yimid Qiimaha La Kala Siisto Ariga Nool Suuqayada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Tan iyo markii ay abaarta ku dhufutay deegaannada gobollada Mudug iyo Galgaduud, waxaa soo badanayey cabashooyinka kasoo baxaya dadka ka ganacsada xoolaha nool, kuwaasi oo loo suuq geyn jirey suuqyada xoolaha ee magaalada Gaalkacyo.

Qaar kamid ah dadka kala iibiya xoolaha, gaar ahaan Ariga ayaa cabasho ka muujiyey dhibaatada shaqo la’aan ee iminka ka jirta suuqa Xoolaha ee Gaalkacyo, waxaana ay sheegeen  in uu aad hoos ugu dhacay qiimaha la kala siisto ariga Nool, mararka qaarna waxay sheegeen in xoolaha ay ku dhintaan Suuqa, maadaama dadka reer Miyiga ah ay markii horeba suuqa keeneen xoolo aad u saameeyey abaarta.

Xakiimo Axmed waxa ay kamid tahay dadka kala iibiya Ariga, waxay u sheegtay Goobjoog News in hadda qiimaha la kala iibsado ariga uu aad u jaban yahay kadib abaarta oo saameysay.

“Xooluhu abaarta baa aad u saameysay, arigu waa raqiis, ariga qaar waxaa la gadaa 200 Shilin Soomaali ah, qaarna 900 Shilin Soomaali ah, waxaana taasi keentay abaarta jirta, suuq la’aan, farqi weyn baa u dhaxeeya xilligaan iyo xilligii hore, xooluhu hadda waa kuwo abaar jooga sidaasi darteed xoolo fiican ma yimaado”

Cali Xasan isna waxa uu kamid yahay dadka loo yaqaan Dulaalka ee Suuqa Gaalkacyo, isna waxa uu u sheegay Goobjoog News, in ay la yihiin wax ay kala gadaan, xoolahana suuqa ay ku dhintaan.

“Waxaan ahay Dulaaliinta Suuqa Ariga Gaalkacyo, arigii aan gadi jirnay hadda maleh, isagii bay xaaladiisa aad u liidataa, mariii reer Miyiga suuqa keenaan halkaan buuba ku dhimanayaa, hadda gaajo buu la daadsan yahay cowskiina waa la waayey oo ileen dhulka dhan ayaa abaar ah” ayuu yiri Cali Xasan.

Abaarta ka jirta guud ahaan dalka ayaa saameysay dadka iyo Duunyada, waxaana jirta in meelaha qaar ay dun iyo duunyo u dhinteen abaarta darteed.

Goobjoog News