U bood dhigaalka

Hoos u Dhac ku yimid Qiimaha Qudaarta Iyo Dalagga Ee Suuqyada Magaalada Baardheere

Sheeko:Dalka

Suuqyada magaalada Baardheere ee lagu iibiyo qudaarta iyo dalagga kasoo baxa beeraha ayaa laga dareemaya hoos u dhac qiimaha la kala siisto, iyada oo loo aaneynayo in qudaar badan soo go’day, suuqana uusan ka jirin beec aad u badan.

Iyada oo ay jirto in webiga Jubba uu maalmahii u dambeeyey Biyo badan keenay iyo Beeraleyda Baardheere oo Qudaar badan Beertay ayaa waxay keentay in qiimaha la kala siisto qudradda uu hoos u dhac balaaran uu ku yimaado, dalaga soo go’ayna waa kuwo goor hore la beeray, halka qudaarta inta badan ay kasoo baxday.

Maxamed Cabdiraxmaan oo ka mid ah Guddiga Beeraleyda degmada Baardheere ayaa Goobjoog u sheegay in dalag iyo qudaar badan ay soo go’een, dhinaca kalena qiimahooda uu isbedel ka jiro, hoos u dhacna uu ku yimid.

“Xaqiiqdii waxaa hoos u dhacay qiimaha qudaarta la iibinayey sababo la xiira dalaggii oo iska daba yimid, isbedal aad u ballaaran baa laga dareemayaa suuqyada Baardheere” ayuu yiri Maxamed.

Goobjoog News