U bood dhigaalka

Hoos u Dhac Ku Yimid Qiimaha Shidaalka Ee Suuqayada Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Hoos u dhac aad u ballaaran ayaa xilligaan laga dareemayaa qiimaha la kala siisto shidaalka suuqayada magaalada Muqdisho, taasi oo saameyn badan ku yeelatay ganacsato badan oo shidaalka iibisa.

Waxaa marba marka ka dambeysa aad u sii dhacaya qiimaha la iibiyo shidaalka nuucyadiisa kala duwan ee dalka loo iib keeno, kaas oo inta badan ka yimaada wadamada Carabta.

Shidaalka oo ka mid ah waxyaabaha muhiimka ah ee aan looga maarmin  geeddi socodka nolosha ayaa dadku filayeen haddii uu qiimo dhac ku yimaado  in uu hoos u dhac ku imaan doono  waxyaabo badan oo isaga ku jaan go’an sida Korontada iyo qiimaha lagu raaco gaadiidka gaadiidka dadweynaha.

Hayeshee taasi ma noqon sidii lagu hanweynaa Inkastoo milkiilayaasha gaadiidka raaxada ay ku naaloonayaan helidda naafto iyo baasiin qiimo jaban .

Ayaan Cismaan Cabdulle waxay ka  mid tahay ganacsatada shidaalka mar aan kula kulmay goobteeda ganacsiga waxa ay ii sheegtay muddo ku dhaw 10 sano in ay ka ganacsaneysay shidaalka heerkan maanta uu taagan yahay qiimihiisana ay tahay markii ugu horeysay ee uu gaaro

10-ka liter ee naaftada ah  ayaa xilligan Muqdisho ka maraysa 5$ dollar halka markii hore ay ahayd 10 $ dollar, sidoo kale 10-ka liter basiinka ahna waxa uu iminka maryaa 7$ dolar  halka  markii horena lagu iibsanayay 14 $ doolar.

“Saameyn adag ayuu nagu yeeshay hoos u dhacani shidaalka madaama anagu aanu ka mid nahay ganacsatada yaryar” ayey tiri  Ayaan  Cismaan Cabdulle.

Sidoo kale isbedelkan ku yimid shidaalka waxa uu saameyn dhanka qiimaha lagu raaco ku yeeshay mootooyinka yar yare ee Bajaajka  sida uu sheegay Axmad Yuusuf Xuseen oo ka mid ah wadayaasha Bajaajta

“Meeshii aan qofka ku qaadi jirnay 2.5 $ (Labo doolar iyo bar) hadda waxaan ku qaadnaa $1.5 (Hal doolar iyo bar) ayuu u sheegay Goobjoog FM  Axmed Yuusuf  oo ka mid ah dadka kaxeeya mootooyinka Bajaajka

 

Mar haddii uu hoos u dhacay qiimihii la iibinayay shidaalka waxa ay dad badni filayeen in la dhimo lacagta lagu raaco gawaarida dadweynaha ah ee ka dhax shaqeysa degmooyinka kala duwan ee magaalada Muqdisho.

Balse taasi ma dhicin oo illaa hadda ma jiraan wax isbedel ah oo ku yimid qiimaha lagu raaco gaadiidka qaada dadweynaha ee ka shaqeeya gudaha magaalada Muqdisho

Cabdiqadar Ibraahim oo ka mid ah wadayaasha gaadiidka dadweynaha oo la hadlay Goobjoog  ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ee loo raqiisin waayay lacagta lagu raaco gaadiidka in ay tahay sabab la xiriirta in markii horeba in aysan jirin lacago badan oo laga qaadi jiray dadweynaha raaca gaadiidka dadweynaha.

Mar haddii aysan jirin wax isbedel ah oo ku yimid qiimihii lagu raacayay gawaarida ka dhax shaqeysa caasimadda dhanka kale maxaa laga filan karaa gadiidka aada gobolada ee ka dhibaatada badan kan ka ka shaqeeya gobollada dalka.

Qaliif Jaamac Xasan waa kaari ama raraha gaadidka aada gobollada dhexe, waxa uu sheegay in aysan jirin wax isbedel ah oo ku yimid qiimaha lagu raaco gawaaridaasi isaga oo sheegay in isbedel la’aantaasi ay ugu wacan tahay dhibaato xooggan oo ka jirta marinnada ay ku safraan gaadiidka aada gobollada dalka.

Si kastaba ha ahaatee dadka falanqeeya arrimaha dhaqaalaha ayaa sheegaya in hoos u dhacani shidaalka ku yimid lala xiriirnayo arrimo badan oo qaarkood ah kuwo muuqdo iyo kuwo qarsoon intaba.

Qaarkood waxay sheegayaan in dagaalyahannada Daacish oo gacanta ku dhigay ilo badan oo shidaal laga soo saari jiray oo ku yaalla wadamada Ciraaq iyo Suuriya ay sabab u tahay qiimo jabkan, halka qaarkood ay kuu sheegayaan in hoos u dhacay yimid kadib markii tartan furan oo dhanka Shidaalka ah uu ka dhex aloosamay shirkado badan oo ku lug leh iibinta Saliidda.

W\Q: Xasan Kaafi  Xaaji Maxamed

Goobjoog News