U bood dhigaalka

Hoos U Dhac Laga Dareemayo Qiimaha Khudaarta Iyo Xoolaha Suuqyada Magaalada Baladweyne

Sheeko:Dalka

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo xiriir ganacsi la lahayd magaalooyinka Gaalkacyo, Boosaaso, Garoowe, Laascaanood iyo degaanno kale oo ka tirsan waqooyiga Soomaaliya ayaa waxaa saameyn ku yeeshay amarkii ka soo baxay maamulka Puntland.

Hoos u dhac dhanka qiimaha ayaa laga dareemayaa khudaarta, xoolaha nool iyo qaar kamid ah shixnadaha kale ee ganacsi.

Qaar kamid ah ganacsatada khudaarta ayaa Goobjoog News u sheegay in arrintani ay salka ku heyso in magaalada suuqyadeeda la keenay khudaar fara badan taas oo ka baaqatay in la gaarsiiyo magaalooyinkii loo ganacsi geyn jiray.

Ganacsatada ayaa sheegay in qiimaha khudaarta ay horay u iibin jireen hadda ay wax iska bedaleen taasna ay sabab u tahay waddooyinka oo xiran maadaama Puntland ay diiday in gawaarida ka timaada dhanka Koonfureed ee dalka ay u soo gudbaan.

“Khudaarta tafaariiqda hoos u dhac ayaa ku yimid maxaa yeelay khudaartii la qaadi jiray hadda ma jirto meel loo qaadayo, Kiiladii Barbarooniga waxaa gadi jirnay 80.000 oo Shillin Soomaali ah balse hadda waxaa iibinnaa 4.000 oo Shillin Soomaali ah, hoos u dhac weyn ayaa shey walba oo khudaarta kamid ah ku yimid” ayay tiri mid kamid ah maamooyinka ka ganacsatada Khudaarta ee suuqa weyn ee magaalada Baladweyne.

Dhanka kale, suuqa xoolaha nool lagu iibiyo ee magaalada Baladweyne ayaa iyana hoos u dhacani dhanka qiimaha ah laga dareemayaa maadaama xoolihii loo qaadi jiray dhanka Puntland aan la qaadin waayadan dambe.

Darawallada gaadiidleyda ayaa sheegaya in amarka Puntland uu saameyn ku yeeshay noloshii qoysaskooda, waxaana ay dalbadeen in maamulka Puntland uu waddada u furo shacabka Soomaaliyeed.

Marka laga soo  tago qiimaha khudaarta, xoolaha nool iyo shixnado kale oo hoos u dhac uu ku yimid suuqyada magaalada Baladweyne kadib amarkii Puntland ay waddada ku xiratay waxaa dhanka kale ay baraare u tahay boqolaal shacab ah oo horay aan u iibsan Karin khudaarta noocyadeeda kala duwan hase yeeshee maanta taagan suuqyada laguna arkayo iyagoo iibsanaya.

W/D: Maxamed Cabdullaahi Maxamed

Goobjoog News