U bood dhigaalka

Hooyo Iyo Carruurteeda Oo Shuban Biyood Ugu Geeriyoodey Mudug

Sheeko:Caafimaadka

Deegaanka Dhinowda ee bariga gobolka ayaa lagu soo waramayaa in Saddex ruux ay cudurka shiban biyoodka ugu geeriyoodeen, waxaana cudurkaasi la il daran dad ka badan 20.

Guddoomiyaha deegaankaas Cismaan Cali Cilmi oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in dadka geeriyoodey ay ahaayeen hooyo iyo Labadeeda carruur.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in dad badan hadda ay ku xanuunsanayaan deegaanka, una baahan yihiin gurmad degdeg ah.

“Meeshaan waxaa ka jirta abaar xooggan, Saddex qof ayaa u dhimatay cudurro uu kamid yahay Daacuunkaa, waxay ka dhasheen biyaha aan nadiifka ahayn ee ay dadku cabayaan, dad badan baa xanuunsan”

Guddoomiye Cismaan ayaa beesha caalamka, shacabka Soomaaliyeed iyo cid walba oo wax haysata waxa uu ugu baaqey iney lasoo gaaraan gurmad degdeg ah.

“Waxaan codsi u dirayaan adduunka, waxaan leenahay hanalagala soo gaaro raashiin, dawo, biyo iyo wax walbo oo la helo karo, waan ognahay in gurmad socdo laakiinse wax ina soo gaaray maleh” ayuu yiri guddoomiyaha deegaanka Dhinowda, Cismaan Cali Cilmi.

Guud ahaan dalka waxaa ka jirta abaar saameysay dadka iyo duunyada, welina dadku ma aaney helin gurmad ku filan.

Goobjoog News