U bood dhigaalka

Hordhaca Horyaalka-Kooxaha Mogadishu City Club Iyo Gaadiidka Oo Leh Kulan Adag

Sheeko:Cayaaraha

Kooxda Mogadishu City Club ayaa kulan xiiso badan oo ka tirsan horyaalka Somalia Premier League 2018-2019 la leh xidigaha Gaadiidka waana kulamadoodii shanaad olalahan.

Naadiga Mogadishu City Club Kulankii u danbeeyay horyaalka waxa ay 1-0 kaga adkaatay kooxda Heegan Sports Club waxayna kulankaa wada dheeleyn 06/03/2019.

Kooxda Gadiidka ciyaartii u danbeesay horyaalka waxa ay guul daro 1-0 kasoo gaartay xidigaha Jazeera Sports Club oo horay loo yaqeenay Muqdisho United.

-Shantii kulan u dambeesay ay labada koox wada ciyaaraan horyaalka waxaa wada guulaystay xidigaha kooxda Mogadishu City Club,balse waxa ay magacaan kaga adkaan jireyn magacii hore ee Banaadir Sports CLUB.

-Gaadiidka oo Kulankii 1-aad ka hortaygsa kooxda Mogadisho City Club tan iyo markii ay la wareegeyn maamulka Gobolka Benaadir 25-November 2018.

Cumar Caruus ayaa ka hor Imaanaya kooxdiisii hore ee Muqdisho City Club wuxuuna ka mid yahay tababarayaasha kooxda M.C.C kula guulaystay horyaalka Somalia Premier League,isagoo aan qasaarin xitaa hal kulan (Unbeaten).

Is Aragii U Danbeeyay Labada Koox
15/03/2018 Mogadishu 3:0 Gaadiidka FC
26/04/2018 Gaadiidka 1:2 Mogadishu City Club
28/02/2017 M.C.C 2:1Gaadiidka FC
16/02/2016 Gaadiidka 0:2Mogadishu City Club
07/05/2016 M.C.C 2:1Gaadiidka FC
23/03/2015 Gaadiidka 2:1Mogadishu City Club
23/12/2014 M.C.C 1:1Gaadiidka FC

Ogeysiiska Kulanka
Tartanka:-Horyaalka Soomaliya 2018-2019
Kooxaha:-M.C.C VS Gaadiidka
Maalinta:-Arbaco
Taariikhda:-13 -03-2019                                                                                                                                Saacada:-3:45pm
Cimiladda Xiliga Ciyaarta: -31°/26°C
Maxamed Xuseen Qalinle