U bood dhigaalka

Horhdaca Horyaalka-Ogow Xaqiiqooyinka Kulanka Adag Ee  Kooxaha Jeenyo Iyo Dekedda

Sheeko:Cayaaraha

Kooxaha kubadda cagta L.L.P Jeenyo iyo Dekedda ayaa wada ciyaaridoono kulamadooda labaad horyaalka Somali Premier League olalaha 2018-2019

Dekedda oo ah kooxda xafidanaysa horyaalka Somali Premier League ayaa kulankoodii 1-aad horyaalka waxa ay barbaro goolal la’aan la gashay xidigaha Gaadiidka,halka wiilasha Jeenyo ay 1-0 kaga badiyeen dhigooda Muqdisho City Club taas oo dhiiri gelin siisay tababar Tahliil.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta Ka Hor

-Axmed Tahliil Cali ayaa klankii 2-aad,isagoo macalinka 1-aad horyaalka Somalia Premier League ka hortagaya kooxda xafidanaysa horyaalka waana imtixaankii 2-aad uu maray Tababare Tahliil ka dib markii Todobaadkii 1-aad ay kooxdiisa 1-0 kaga adkaatay M.C.C.

-Daa’uud Tubaal,Feysal Xasan Xaashi iyo Cabdi Casiis Catoosh ayaa ka hortagaya kooxdoodii hore ee Jeenyo waxayna Dekedda la hanteyn horyaalka Somali Premier Lague iyo Somali Super.

-Macalin Axmed Tahliil ayaa wajahaya xidigo ay waqti wanaagsan kusoo wada qaateyn safka Jeenyo waqtigii u ahaa kabtanka Jeenyo waase tan Xiisaha u yeelaysa kulanka adaga

Kulamadii U Danbeeyay Labada Koox

12/02/2018      Jeenyo FC       0:2       Dekedda SC

11/04/2018      Dekedda SC   3:0       Jeenyo FC

13/02/2017      Jeenyo FC       2:2       Dekedda SC

27/03/2017      Dekedda SC   4:0       Jeenyo FC

15/02/2016      Jeenyo FC       3:1       Dekedda SC

06/05/2016      Dekedda SC   1:0       Jeenyo FC

19/02/2015      Dekedda SC   0:1       Jeenyo FC

21/05/2015      Jeenyo FC       3:0       Dekedda SC

11/07/2012      Dekedda SC   1:1       Jeenyo FC

27/10/2012      Jeenyo FC       1:1       Dekedda SC

Ogeysiiska Kulanka

Tartanka-Horyaalka Somali Premier League

Kooxaha-L.L.P Jeenyo VS Dekedda

Tariikhda-14-02-2019

Maalinta-Khamiis

Saacada:-3:30pm

Garoonka-Banaadir Stadium

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle