U bood dhigaalka

Hormuud Foundation oo Deeq Raashin Gaarsiisay 300 Boqol oo Qoys

Sheeko:Dalka

Hey’adda Hormuud Foundation ayaa maanta waxay deeq Raashin gargaar ah oo isugu jirta Bariis, Sokor, Bur iyo Saliid u qeybisey ilaa 300 Boqol oo qoys, kuwaasi oo ah Qoysas dhowaan ku barakacay abaaraha ka taagan Gobolka iyo duqeymaha Ciidamada kenya ay ka geysteen deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.

Qoysaskan la siiyey gargaarka raashineed ee isugu jira haween, Caruur iyo dad waayeel ah ayaa waxay ka soo kala barakaceen deegaanada Geriley, Faafaxdhuun, Cawsquran, Daarasalaam iyo dhamase, waxayna muddooyinkii ugu dambeeyey ku soo qul qulayeen degmadsa Baardheere, iyagoona ku biirey ilaa labo xero ee ku yaala duleedka Baardheere.

Cabdulaahi Nuur Xasan, Cadow oo ah Gudoomiyaha degmada Baardheere ayaa ku amaaney Gargaarka Raashineed ee Hormuud Foundation ay soo gaarsiisey Qoysaska ku barakacay abaaraha iyo Duqeymaha Ciimada Kenya, waxuuna sheegay gargaarka noocani oo kale ah in wax weyn uu ka tari doono Nolosha Qoysaska barakacayaasha oo xaaladoodu ay aad u liidatey.

Mas’uuliyiintii ka hadashey goobta lagu qeybinayey Raashinka Gargaarka ayaa waxaa ka mid ahaa howl wadeeno ka socdey Hormuud Foundation iyo xubno kale oo ka kala socdey Odoyaasha dhaqanka iyo weliba Ururka haweenka Baardheere.

Shirkadda Hormuud Telecom ayaa noqotay shirkadii ugu horeysay ee ka soo jawaabtey Baaqii qeylo dhaanta ahaa ee la xariiray Abaaraha ee ka kala imaanayey Mas’uliyiinta Gobolka Gedo iyo Maamulka Degmada Baardheere.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada