U bood dhigaalka

Hormuud Oo Jawaab Kulul Ka Bixisay Eedeynta Foreign Policy

Sheeko:Dalka

Warbixin talaadadii hore lagu daabacay majaladda Mareykanka laga leeyahay ee Foreign Policy, loogana hadlay arrimo ku saabsan in Al-shabaab adeegsato shirkadda iyo is-dhageysiga ayaa waxa ay shirkadda Hormuud ka soo saartey jawaab kulul.

Qoraalka oo aad u dheeraa waxaa lagu bilaabey “Hormuud waxa ay aad uga xun tahay maqaalkii dhawaantan ee Majaladda Foreign  Policy ee uu qoray Amanda Sperber, cinwaankiisuna ahaa ‘Soomaaliya waa dal aan ciidan lahayn’ kaasi oo uu qoraagu isku dayay in uu magac dilo astaanteenna tayo iyo adeegyadeenna” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka oo ku qornaa Af Ingiriis.

Bayaanku waxa uu intaas ku daray, “Hormuud waxa ay aad ugu faaneysaa doorka  togan oo ay sii wado, kaasoo ah isku xirka dadka Soomaaliyeed dal iyo dibadba..waxa aan bixinnaa adeegyo isgaarsiineed oo tayo leh laguna kalsoonaan karo, oo si sharci ah ay u helaan dadka Soomaaliyeed, dowladda iyo ciidamada qalabka sida.”

“Waxa aan sidoo kale ku faaneynaa adeegyadeenna sugan ee aan u qabanno hay’adaha caalamiga ah ee noo ogolaaday in aan noqonno shirkadda Isgaarsiinta ugu horreysa wadanka” ayuu sheegay bayaanka.

War-saxaafadeedka oo usoo daadagay sheekada lagu qoray Foreign Policy, ayaa ku nuuxnuuxsaday. “Eedeynta maqaalka ee ah Alshabaab ayaa saameyn mug leh ku leh si ay ugu xiriiraan marka uu dagaal jiro waa dacaayad aan sal lahayn, kana hor imaaneysa qiyamkeenna aasaasiga ah.”

Bayaanka ayaa lagu soo gabagabeyay, “Hormuud waxa ay soo dhaweyneysaa warbaahin walba oo dooneysa inay wax ka ogaato ganacsigeenna iyo taariikhda aan ku faaneyno ee ku dhisan Isku kalsoonaan, mas’uuliyad iyo adeeg-inay nagu soo booqdaan Soomaaliya intii ay dibadaha ka sameyn lahaayeen warbixinno ceebeyn ah.”.

Goobjoog News