U bood dhigaalka

Hormuud Salaam Foundation oo tababar u furtay ardayda ku guuleysatay deeqda waxbarasho

Sheeko:Dalka

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa maanta Magaalada Muqdisho tababar uga furtay ardayda ka baxday Dugsiyada Sare ee dalka, balse ku guuleystay deeqda waxbarasho ee ay bixiso Hormuud Salaam Foundation. Tababarka ayaana socon doono muddo lix cisho ah.

Tababarkan ayaa ah mid kor loogu qaadayo aqoonta ardayda heshay deeqda sanadlaha ah ee HSF, ka hor inta aanay u wareegin amaba ku biirin waxbarashada heerka jaamacadeed.

Ardayda ayaa tababarkan ku qaadan doona maadooyin gaar ah, taa oo ka caawin doonta imtixaanaadka ay u gelayaan kulliyadaha ay jeclaan lahaayeen inay jaamacadaha ka bartaan.

Agaasimaha Waaxda Tacliinta Sare ee Wasaarada Waxbarashada Somaliya, Prof. Ismaaciil Yuusuf Cismaan oo tababarka daahfuray ayaa ku ammaanay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation kaalinta ay ka qaadaneyso horumarinta kobaca aqooneed ee dhallinta Soomaaliyeed.

Raaxo Xuseen Xirsi, Gudoomiye Kuxigeenka Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa sheegtay in tababarka uu ardaydu wax badan ka caawin doono, haddii ay ka faa’iideystaan.

Gudoomiyaha Hay’adda Hormuud Salaam Foundation, Cabdullaahi Nuur Cismaan ayaa ardayda kula dardaarmay inay ka faa’iideystaan tababarkan, maadaama mustaqbalkoodu uu u wanaagsan yahay.

Si kastaba ha-ahaatee ardayda ayaa si weyn u soo dhaweysay tababarkan, iyagoona muujiyay sida ay diyaarka ugu yihiin inay ka faa’iideystaan.