U bood dhigaalka

“Horyaalka Somalia Premier League Kama Bixi Doono Xeyndaabkeena”Daa’uud Tubaal

Sheeko:Cayaaraha

Xidiga kooxda kubbadda cagta Dekedda Daa’uud Cabdullahi Tubaal ayaa fariin adag u diray Kooxda Horseed ka dib markii ay guul daro kasoo gaartay kulan ka tirsanaa horyaalka oo ay labada koox wada dheeleyn,isagoona sheegay in markii saddexaad ay hanan karaan horyaalka Somalia Premier League olalahan.

Daa’uud Tubaal waxa uu carabka ku adkeeyay in qof walba oo ka tirsan kooxda Dekedda kaliya ay u muuqata rajada ah hanashada horyaalka Somalia Premier League 2018-2019,inkastoo ay kooxdiisa loolan adag kala kulmayso kooxaha Elman Horseed,Heegan iyo Muqdisho City Club.

Tani iyo kolkii uu bilaawmay horyaalka anaga ayaan hogaaminayay guul daradii naga soo gaartay Horseed waxa ay keentay in kooxo badan ay u arkan fursad banannan,balse arinka sidaa ma ahan.

“Sanad ka hor ayaa nagu danbeesay guul daro sababta ay Horseed inoogu badisay waxa ay aheyd Macalin Cabdi Joon oo aqoon wanaagsan u leh kooxda Dekedda maadaam uu isaga soo maamulayay,yeelkaad taa waxa aan ku rajo weynahay in aan sanadkii saddexaad hanano horyaalka”Daa’uud Cabdullahi Tubaal ayaa sidaas ugu waramay Goobjoog Sports.

Xidigihii hore kooxda kubbadda cagta L.L.P Jeenyo Tubaal ayaa xili ciyaareedkii kowaad kooxdiisa ku soo bandhigay qaab ciyaareed aad u saraya,isagoo fasalkii kowaad la hantay horyaalka Somalia Premier League iyo Somalia Super Cup.

“Waxaan hogaaminaynay horyaalka Somalia Premier League, laakiin markii ay na soo gaartay guul daradii ugu horeesay olalahan dad badan ayaa shaki geliyay in aan qaadi karno iyo in kale kuma mashaquulayno loolanka baraha bulshada ee waxaa xooga saaraynaa kulamada inoo haray horyaalka”ayuu Daa’uud Tubaal sii raaciyay,isagoo u waramay Goobjoog Sports.

“Hadii aan lumino fursada hanashada horyaalka waxaa diirada saaraynaa in aan ku guulaysano Star League iyo Generaal Daa’uud oo qeyb ka ah tartamado qorshaysan ee sanadka kasta” ha is dajiyaan taageerayaasheena waxaan haysanaa xirfadlayaal iyo maclimiin is fahansan oo ka dhabeen kara tartamada aan qeybta ka nahay ayuu Goobjoog u sheegay laacib Daa’uud Cabdullahi Tubaal.

Si kastaba xidigaha kooxda Dekedda kubbadda cagta Dekedda ayaa labadii kol ciyaareed lasoo dhaafay ku guulaysnayay horyaalka Soomaaliya,iyagoo iminka rajo wanaagsan ka qaba in markii 3aad ay hantaan.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle