U bood dhigaalka

Howlgal ciidamada Jubba ay ka sameeyeen magaalada Kismaayo oo lagu soo qabtay dad badan (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Ciidamada maamulka KMG ee Jubba ayaa howlgalo balaaran, islamarkaana qaatay saacado badan waxay ka sameeyeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose.

Howlgalkaan ayaa bilawday habeenkii xalay ahaa, waxaana ciidamada ay wadeen ilaa maanta, iyaga oo soo qabtay dad lagu sheegay tiradooda Shan boqol oo qof, kuwaa oo baaritaano lagu sameenaayo.

Saraakiisha maamulka KMG ee Jubba ayaa sheegay in howlgalkaan ay uga dan leeyihiin xaqiijinta amniga guud ee magaaladaasi.

Sidoo kale saraakiishaan ayaa sheegay in ay soo qabteen Miinooyin lagu aasay wadooyin ka mid ah magaalada Kismaayo qaarkood.

Amaanka Kismaayo ayaa maalmahaan dambe u muuqday mid faraha kasii baxaayay, waxaana magaalada kusoo batay falalka qaraxyada ah.

Halkaan hoose ka dhageyso.

 

Goobjoog News