U bood dhigaalka

Howlgal Dad Lagu Qabqabtay oo Laga Sameeyey Gaalkacyo

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gallo ciidamada ammaanka ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Howl-galkaan  waxaa si wadajir ah u sameeyey ciidamada maamullada Galmudug iyo Puntland oo kaashanaya ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab ee dowladda federaalka Soomaaliya  ee ay geysay magaaladaasi.

Saraakiisha horkaceysay howl-galladaasi ayaa sheegay in u jeedkooda uu ahaa xaqiijinta amniga Gaalkacyo, iyadoona baaritaano laga sameeyey koonfurta iyo waqooyiga magalada.

Sidoo kale waxa ay saraakiisha intaasi ku dareen in baaritaanadaasi lagu soo qab-qabtay dad badan oo looga shakiyey inay xiriir la leeyihiin  Al-Shabaab oo inta badan weeraro iyo dilal qorsheysan ka fulisa magalada Gaalkacyo

Maalin ka hor ayey aheyd markii magaalada Gaalkacyo lagu toogtay nin hubeysnaa oo la sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Mudug, halka mid kale oo ganacsade ahaa balse lagu eedeeyey inuu xiriir lalaaha ninka la dilay lagu qabtay guri ku yaalo koonfurta Gaalkacyo.

Goobjoog News