U bood dhigaalka

Howlgal Ka Dhan Ah Al-shabaab Oo Ka Socda Leego

Sheeko:Dalka

Wararka saaka ka imaanaya deegaanka Leego ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa ku waramaya in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay halkaasi ka wadaan howlgal ka dhan ah Al-shabaab.

Ciidamadaan oo dib ugu laabtay deegaanka Leego ka dib markii Al-shabaab ay dagaal ku qabsadeen deegaankaasi, ayaa saaka waxa ay wada baarayaan dhammaan xaafadaha deegaankaasi.

Sidoo kale ciidamadaan ayaa ka baaraya Leego walxaha qarxa sida ay inoo sheegeen dad ku sugan deegaankaasi.

Ma jirto howlgalkaan cid lagu soo qabtay, hase ahaatee saraakiisha dowladda Federaalka ayaa sheegay in ay doonayaan xaqiijinta ammaankaasi, islamarkaana ay ka baarayaan hadii ay xaafadaha ku harsanyihiin Al-shabaab.

Jimcihii aynu kasoo gudubnay ayaa ciidamada Al-shabaab waxa ay dagaal xoogan kula wareegeen deegaanka Leego, waxaana halkaasi khasaare kusoo gaarsiiyeen ciidamada AMISOM.

Goobjoog News