U bood dhigaalka

Howlgal Ka Socda Gaalkacyo

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay howlgal ballaaran ka wadaan ciidamada ammaanka magaaladaasi.

Howlgalkaan ayaa daba socda kadib markii xalay magaaladaasi lagu dilay, Suldan Cabdulahi suldaan Cabdiraxmaan oo ka mid ahaa waxgaradkii soo xulay xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Sidey inoo sheegeen dadka deegaanka, ciidamada ayaa ku faafay xaafadaha qaar ee magaaladaasi, waxaana ay raadinayaad raggii dilkaasi ka dambeeyay.

Inkastoo aanay jirin faah faahin laga bixiyey howlgalkan, ayaa hadane waxa uu saameyn ku yeeshay isku socodkii dadweynaha iyo ganacsigii ka jiray Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News