U bood dhigaalka

Howlgal Lagu Qabtay Dhallinyaro Badan Oo Laga Sameeyey Wanlaweyn

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay howlgallo ballaaran ka sameeyeen degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose iyo sidoo kale deegaanno ku dhow degmadaasi.

Waxay ciidamada howlgalkaan kusoo qabteen tiro dhallinyaro ah, kuwaasi oo la sheegay in lagu baarayo saldhigga Booliiska ee degmadaasi.

Taliyaha ciidamada Booliiska ee degmada Wanlaweyn, Maxamed Cabdille Xasan ayaa u sheegay Goobjoog News, in howlgalkaan uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayo, islamarkaana dadka ay kusoo qabteen u badan yihiin dhallinyaro, ayna baarayaan.

“Waan raadineynaa cid walbo oo ammaanka wax u dhimeysa, waxaan haynaa dhallinyaro, waa la baarayaa wixii dambi lagu helo maxkamad ayaa la geynayaa wixii baaritaan loo baahdana CID ayaa loo gudbinayaa” ayuu yiri taliyaha.

Degmada Wanlaweyn ee Shabellaha Hoose waxaa maalmihii ugu dambeeyey ka dhacayey falal ammanka wax u dhimayey iyadoo ciidamada dowladdana wadaan howlgallo ballaaran.

Goobjoog News