U bood dhigaalka

Howlgal lagu soo qabqabtay in ku dhow 100 qof ayaa ciidanka dowladda ay ka sameeyeen degmada Baardheere.

Sheeko:Dalka

Howlgalladan ayey ciidamada waxay billaabeen markii degmadaasi lagu dhaawacay guddoomiyihii maxkamadda ee degmada Baardheere.

Maamulka Baardheere ayaa laga soo xigtay in dadka la qabqabtay lagu hayo saldhigga degmada oo ay marayaan baaritaanno kala duwan, si loo ogaado dambiilayaasha

Dadka ku nool degmadaas ayaa sheegay  in howlgaladan  saamayn ay ku yeelatay dadka  halkaas ku nool  markii inta badan albaabada loo laabay goobaha adeegyada bulshada.

Si kasta Maamulka degmada ayaa sheegaya in ay ka go’an tahay in gacanta ay ku soo dhigaan dadkii ka danbeyay dhawaca degmada Baardheere loogu gaystay gudoomiyaha Maxkamada degmada.

Goobjoog News