U bood dhigaalka

Howlgal Milatari Kana Dhan Ah Isbaarooyinka Oo Ka Billaabanaya Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobalka Shabellaha Hoose ayaa qiray in ay jiraan Isbaarooyin yaalla deegaanno ka mid ah gobalka Shabellaha Hoose, laguna dhibaateeyo dadka shacabka ah.

Waxa uu tilmaamay in Isbaarooyinkaasi lacago xad dhaaf ah looga qaato gaadiidka shacabka, sidoo kalena ay jiraan xilliyada qaar in la dhibaateeyo dadka rakaabka ah.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay sameyn doonaan howlgal aad u ballaaran, islamarkaana lagu soo qabanayo cid walba oo Isbaaro dhiganaysa.

“Meello badan ayaa oganahay in ay yaallaan Isbaarooyin, waxaan sameyn donnaa howlgal ballaaran, ciidamada AMISOM iyo kuwa Federaalka ayaa horkacayaa, cagta ayaana la marinayaa cid walba oo shacabka dhibaato ku haysa” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Darawalada kaxeeya gaadiidka ka shaqeeya inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhaba ayaa cabasho ka muujiyay Isbaarooyin xad dhaaf ah oo yaalla gobalka Shabellaha Hoose, mararka qaarna lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah.

Goobjoog News