U bood dhigaalka

Howlgal Waddo Furis Ah Oo Ka Bilowday Hiiraan

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa AMISOM ayaa maanta howlgal ka billaabay wadada isku xirta wadada isku xirta magaalada B/weyne iyo degmada Buulo-burde.

Ulajeedka howlgalkan ayaa ah in la furo wadadan oo muddo bada u xayiran tahay Xarakada Al-shabaab.

Ciidamada Itoobiya ee AMISOM ayaa ugu horreyn ku baxay maanta wadadan, waxaana xigay kuwa xoogga dalka iyo ciidanka Jabuuti.W

Waxay hadda ku sugan yihiin meel 20 KM u jirta magaalada B/weyne, iyadoo saraakiisha ammaanka sheegeen in ay isku furi doonaan Buulo-burde iyo B/weyne.

Wadadan ayaa ahayd mid xayiran, iyadoo muddo badan aanay adeegsan dadka shacabka ah, waana waddo Laami ah oo muhiim ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Goobjoog News