U bood dhigaalka

Howlgalada Ka Socda Magaalada Baydhaba Oo Saameyn Ku Yeeshay Darawalada Kaxeysa Mootada Loo Yaqaano Bajaaj (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

mooto-bajaajMagaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay, waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka soconayay howlgal balaaran oo ay wadeen ciidamada dowladda ka dib qaraxyo halkaasi ka dhacay.

Howlgalka ayaa saameynta ugu xoogan waxa uu ku yeeshay Darawalada kaxeeya Mootooyinka loo yaqaano Bajaaj, ka dib markii dhamaantood lagu xareeyay saldhiga magaaladaasi.

Qaar ka mid ah darawaladaan oo u waramay Goobjoog Fm, waxa ay sheegeen in marxalado kala duwan ay soo wajahayn, ka dib markii laga xareeyay Mootooyinkii ay ku shaqeysan jireen.

Saldhiga magaalada Baydhaba waxaa aad u buuxdhaafiyay Mooto Bajaaj badan oo lagu soo qab qabtay howlgaladii ugu dambeeyay, iyadoona darawalada la fasaxay halka Mootiyinkana laga reebtay.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News