U bood dhigaalka

Howlgallo Amniga Lagu Xaqiijinayo Oo Laga Sameeyay Jalalaqsi

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa ay howlgal ay ka sameeyeen degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Ujeedka howlgalkan ayaa waxaa uu ahaa mid lagu sugayay amniga degmada Jalalaqsi waxaana lagu soo qabqabtay dhallinyaro badan oo la xiriirinayo dagaalyahannada Alshabaab.

Maxamed Nuur Cagajoof oo ah guddoomiye ku xigeenka amniga ayaa Goobjoog News u sheegay in howlgalka ay ciidamadu ku soo qabteen dad badan .

“Howlgallo badan ayaa la sameeyay wax bandanna waa lagu soo qabtay, dadkaas la soo qabtay qaarna kiis ayey yeelan doonaan qaarna kiis ma yeelan doonaan balse ilaa iyo hadda wax cad ma heyno oo aan dhihi karno qofkaas balse baaritaan ayaa socda “.

Magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa shalay waxaa qarax lagula eegtay ciidamada AMISOM gaar ahaa kuwa Jabuuti waxaa ayna ciidamada amniga ay bilaabeen howlgallo lagu baadi goobayo ciddii ka dambeysay qaraxa.

Goobjoog News