U bood dhigaalka

Howlgallo Ay Ciidanka DFS Ka Sameeyeen Muqdisho Oo Lagu Qabtay Mootooyin

Sheeko:Amniga

Ciidamada Booliiska ee DFS ayaa xalay waxa ay howlgal ka sameeyeen degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho, waxaana ay ku qabteen dhowr Mooto Bajaaj oo la sheegay in lagu sameynayey falal ammaanka wax u dhimayey.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkan ayaa sheegay in ay soo qabteen ciidanka illaa 19 Mooto Bajaaj iyo sidoo kale kuwa Labada Lugood leh, waxaana la geeyey saldhigga degmadaasi.

Waxay ciidanka sidoo kale qabteen raggii watey mootooyinkan kuwaasi oo baaritaan lagu hayo.

Howlgallada sidan oo kale ah ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxayna ciidanka habeen kahor howlgal ay ka sameeyeen degmada Shibis ee Muqdisho ku qabteen Mootooyin sidan oo kale ah.

Goobjoog News