U bood dhigaalka

Howlgallo Ciidan Oo Ka Socda Gobolka Baay

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa maanta howlgallo saf ballaaran ah ka wada degmooyin ka tirsan gobolka Baay ee Koonfurta Galbeed Magaaladani Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in howlgallada ay wadaan ciidanka dowladda islamarkaana lagu xaqiijinayo ammaanka, waxayna ka soconayaan degmooyin ay ka mid yihiin Qansaxdheere iyo Buurhakaba ee gobolka Baay.

Dadka degaanka oo la hadlay Goobjoog News  ayaa sheegay in la arkayo baabuurta gaashaaman ee ciidanka AMISOM oo howlgallada qeyb ka ah.

Degmooyinka Qansaxdheere iyo Buurhakaba ayaa kamid ah degaannada gobolka Baay oo falalka amni darro ay ka geysato Alshabaab.

Guddoomiyaha Degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay Isaaq Cabdi Maxamuud ayaa sheegay in ujeedka howlgalladani ay yihiin sidii loo furi lahaa isu socodka waddooyin halbowle u ah gobolka oo ku xirmay colaado.

“Ciidamada howlgallada waxay u wadaan si fiican, waxaana lagu xaqiijinayaa ammaanka degaanno degmada hoos yimaada ayaa kamid ah meelaha ciidanku baaritaannada ka sameynayaan” ayuu yiri guddoomiyaha Qansaxdheere.

Degaanno ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa weli maamuleysa Xarakada Alshabaab.

Goobjoog News