U bood dhigaalka

Howlgallo Ciidan Oo Ka Soconaya Degmada Ceelbuur Ee Gobolka Galgaduud

Sheeko:Dalka

Wararka laga helayo degaanno hoostada degmada Ceelbuur ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee Itoobiya ay ka wadaan howlgallo ballaaran.

Howlgallada ay ciidamada huwanta ah wadaan ayaa waxaa ay ka soconayaan duleedka Ceelbuur iyo degaanno hoostaga.

Dadka degaanka oo aan la hadalnay ayaa inoo xaqiijiyay in ciidanka ay howlgallada ka wadaan degaannada dhaca dhanka bari ee gobolka Galgaduud.

Degaannadani oo dhowaan ay ka dhaceen dagaallo waxaa muddo maamulaysa Xarakada Alshabaab.

“Ciidamadan dowladda iyo kuwa AMISOM maalmahan way wadeen howlgallada meelaha qaar dadka horey uga barakaceen, marka xaaladdu mid fiican ma ahayn maalmahan dhan” ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka.

Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa laga soo xigtay oo kaliya in howlgalladani lagu adkeynayo ammaanka, islamarkaana looga hortagayo weerarrada ay soo qaaddo Alshabaab.

Ciidamada ayaa lagu soo warramaya inay wataan gaadiid dagaal islamarkaana waddooyinka qaar Ceelbuur laga celinayo dadka shacabka ah inay isticmaalaan.

Ciidanka Itoobiya ayaa dhowaan ka guurey degaanno ku yaalla dhanka bari ee gobolka Galgaduud waxaana sidoo kale jira qoysas fara badan oo colaadahaan ku barakacay kuwaasoo u cararay gobollada deriska ah.

Goobjoog News