U bood dhigaalka

Howlgallo Ka Dhan Ah Isbaarooyinka Oo Ka Bilaabanaya Sh/hoose

Sheeko:Amniga

Maamulka gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in ay deegaanno ka mid ah gobolkaasi ka bilaabi doonaan howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Isbaarooyinka.

C/fitaax Cumar oo ah guddoomiye ku dhaanka maamulka Sh/hoose ayaa u sheegay Goobjoog, iney soo gaartay cabasho badan oo ay soo gudbiyeen dadka shacabka ah.

Waxa uu sidoo kale sheegay guddoomiye ku xigeenka in meelaha ay yaalaan jidgooyinka ee lagu dhibaateeyo shacabka ay sida ugu dhaqsiyaha badan cagta ku marin doonaan.

Shacabka ku dhaqan gobolka Shabellaha Hoose ayuu ka codsaday iney la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si looga sifeeyo gobolkaasi kooxaha shacabka dhiba.

“Howlgallo ka dhan ah kooxaha dadka jidka u gala ee isbaarooyinka dhigta ayaan dhowaan bilaabeynaa, waxaana ka bilaabi doonaan guud ahaan gobolka, shacabka waxaan rabnaa iney gacan siiyaan ciidamada ammaanka” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.

Rag hubeysan, kuna labisan dareeska ciidanka ayaa mararka qaar dhibaato u geysta shacabka ku safraya waddooyinka gobolka Shabellaha Hoose.

Goobjoog News