U bood dhigaalka

Howlgallo Ka Dhan Ah Xarakada Al-shabaab Oo Ka Socda Degaanno Ka Tirsan Gobolka Baay

Sheeko:Dalka

Degaanno hoostaga degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay ayaa waxaa ka soconaya howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka oo ay wadeen ciidanka Koonfur Galbeed.

Wararka ka imaanaya Qansaxdheere ayaa sheegaya in howlgallo ka dhan ah Alshabaab ay ka socdaan degaanno hoostaga magaalada Qasaxdheere.

Guddoomiye xigeenka maamulka degmadaasi Cabdulle Xasan Saneey ayaa u sheegay Goobjoog News in howlgalladaan ay socdeen todobaadkani oo dhan.

“Howlgalladaan waxay ciidanku ka sameynayaan degaanno ka tirsan Qansaxdheere, waxa la sugayaa ammaanka waxaana kula dagaallamaynaa Alshabaab oo meelaha qaar habeenkii socod ku maraya” ayuu yiri guddoomiye xigeenka Qarsaxdheere.

Warar laga helayo degmada Qansaxdheere ayaa sheegaya in ciidanka Itoobiya ee AMISOM howlgalladan ay kaalin ku leeyihiin.

Ugu dambeyn, howlgallada ciidan ee ka soconaya degaanno ka mid ah gobolka Baay ayaa waxa ay ku soo aadayaan iyadoo weli degaanno ka tirsan gobolkaasi ay ka dhacayaan weerarro ay fulinayso Xarakada Alshabaab.

Goobjoog News