U bood dhigaalka

Howlgallo Ka Socda Degmada Buulo-burde Ee Hiiraan

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo ballaaran oo aammaanka lagu sugayo waxa ay ka wadaan degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Howlgalladan ayaa daba socda kadib markii shalay qaraxyo laga maqlay nawaaxiga garoonka degmadaasi, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Ciidamada Jabuuti ayaa ee AMISOM ayaa ka qeybqaadanaya howlgalkaan, waxaana ciidanku isku faafiyeen xaafadaha degmada Buulo-burde.

saraakiisha ammaanka degmada Buulo-burde weli wax faah faahin ah kama aanay bixin howlgalkaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News