U bood dhigaalka

Howlgallo Ka Socda Degmada Buurhakaba Ee Baay

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo ballaaran waxay ka wadaan degmada Buurhakabo ee gobolka Baay, kuwaasi oo amniga lagu xaqiijinayo.

Ciidamada ayaa ku faafay xaafado ku yaalla duleedka degmada Buurhakaba oo warar ay sheegayaan iney soo galeen rag ka tirsan Xarakada Al-shabaab, islamarkaana ay halkaasi ku baacsadeen.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka howlgalkaan wada ayaa u sheegay Warbaahinta in howlgalka uu ahaa mid amniga wax badan looga qabtay, islamarkaana illaa iyo haatan ay wadaan.

Waxay sheegeen saraakiisha iney si gaar ah u bartilmaameedsadeen fariisimo Al-shabaab ku lahaayeen duleedka degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, islamarkaana halkaasi ay kula dagaallameen ciidankii Al-shabaab, balse ma aanu sheegin wax khasaare ah oo halkaasi ka dhashay.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Koonfur Galbeed iyo AMISOM ayaa xoojiyey howlgallada ay ka wadaan gobollada Baay iyo Bakool.

Goobjoog News