U bood dhigaalka

Howlgallo Ka Socda Kismaayo

Sheeko:Amniga

Ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa lagu soo waramayaa in ay saakay howlgallo ballaaran oo aammaanka lagu sugayo ka wadaan xaafadaha magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Wararka aan helnay waxay sheegayaan in howlgalladan ay si gaar ah ula xiriiraan sida la sheegay baadigoobka rag ka shalay ka qeybqaatay dagaal kooban oo ka dhacay magaaladaasi.

Ciidamada Jubbaland ayaa shalay waxay gacanta ku dhigeen rag hubeysan oo la sheegay iney horey uga mid ahaayeen ciidanka Jubbaland.

Saraakiisha ammaanka ayaa ka gaabsaday iney faah faahin ka bixiyaan howlgalladan socda iyo sidoo kale tirada raggii shalay ay ciidamada qabteen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News