U bood dhigaalka

Human Rights Wacth: Dalalka ay ka socdaan AMISOM ayaa qaadi doona masuuliyada tacadiyada ay geystaan

Sheeko:Dalka

Hay’adda u dooda xuquuqul insaanka ee Human Rights Wacth ayaa sheegtay in tacdiga ay Soomaaliya ka gaystaan ciidamada AMISOM masuuliyadeeda ay qaadi doonaan dalalka ay ka socdaan ciidamada ku hawl gala magaca howl galka midowga Afrika ee AMIOSM.

Afhayeenka hay’adaasi ee bariga Afrika Litidia Badhi oo la hadashay Goobjoog FM ayaa sheegtay in ay jiraan dhibaatooyin ciidamada AMISOM ay u gaystaan dad shacab ah.

Ciidamada midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu eedeeyay in ay geysteen xad gudubyo ka dhan ah haweenka Soomaaliyeed, iyada oo AMISOM ay ka faa’ideysanaya daruufaha xaga bini´aadanimo iyo caawinaada ay u sameynayaan dadka danyarta isla markaana uga faa´iideysteen in ay kufsadaan haween Soomaaliyeed.

AMISOM ayaa lagu eedeeyay in haween u soo raadsaday saldhigyada AMISOM kaalmo daawo ah iyo biyo la dhibaateeyay oo la kufsaday, sidoo kale waxaa lagu sheegay warbixinta in ay adeegsadaan mukhalisiin Soomaali ah oo ay isticmaalaan xeelado kala gedisan oo haweenka loogu soo xero geliyo, kadibna ay la galmoodaan.

Afhayeen Litidia ayaa sheegtay in ay jiraan kufsi loo gaystay dumar Soomaaliyeed.