U bood dhigaalka

Human Rights Watch: Itoobiya Waa Inay Baartaa Xad-gudubyada Cabdi Iley Iyo Ciidankiisa

Sheeko:Dalka

Warbixin ay maanta soo saartay hey’adda Human Rights Watch ayaa lagu weydiistay dowladda Itoobiya inay baarto xad-gudubyada ka dhanka xuquuqda aadanaha ee muddo sanado ah ka socday gobollada ay Soomaalida degto ee bariga dalkaasi. Dadka la sheegay inay tahay in la baaro waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee maamulkaas Cabdi Maxamud Cumar(Iley) iyo madaxa booliiska ee Liyu police force Cabdirahman Cabdillahi Burale.

On August 6, 2018, Ciidamada booliiska  Liyu police iyo dhalinyaro u daacad ah Cabdi Iley ayaa la sheegay inay weerareen  dad ku nool Jigjiga iyaga oo dilal ka geystay, hantidoodana gubay.

 “Si wixii dhacay loo iloobo, dowladda waxaa inay hubisaa in cadaalad helaan dadka, lana baaraa dhibaatooyinkii xumaa ee ka dhacay gobolka Soomaalida” sidaasi waxa yiri Maria Burnett oo Human Rights Watch u qaabilsan bariga Afrika.

Xad-gudubyada waxa la sheegay inay bilowdeen 2007-dii, kolkaas oo dagaalo ay dhex mareen dowladda Itoobiya iyo jabhadda ONLF, si arrintaas wax looga qabto ayaa la aasaay booliiska Liyu police force, wixii maalintaas ka dambeeyay waxa batay xad-gudubyada, waxaa la diiday inay warar helaan weriyeyaasha iyo hey’adaha u dooda xuquuqda aadanaha.

Warbixin ay Human Rights Watch  soo saartey  2008, waxa lagu ogaaday in gobolka ay ka dhaceen 2007-2008 arrimo xad-gudub ku ah xuquuqda aadanaha sida dilal,  jirdil, kufsi iyo in dadka xoog lagu barakiciyo.

Ciidmada taageersan dowladda waxaa ay waxa ay xoog ku barakiciyeen dad badan, waxaa kale oo ay gubeen deegaanno badan, waxaan intaas dheer in la dilay 150 qof oo rayid ah. Cabsi-gelinta, xarigga sharci-daradda ah, jir-dilka, kufsiga waxaas caadi ayey iska noqdeen.

Ciidamada Cabdi Iley ee loo yaqaano Liyu Police force, waxaa ay si xun ula dhaqmeen oo bahdilad ku sameeyeen cid walbo oo ay ku tuhmaan taageerada jabhadda ONLF, iyaga oo geystay dilal sharci-darro ah, jid-dil, kufsi iyo argagax-gelinta bulshada ku nool gobolka ay Soomaalida degto ee Itoobiya, Ciidamada Cabdi Iley waxa kale oo ay dhib u geysteen dad deggan meel ka baxsan gobollada Soomaalida, oo waxaa ka mid ah dhibaatada ay u geysteen Oromada wixii ka dambeeyay December 2016.

July 2018, Human Rights Watch waxaa ay diiwaan-gelisay xad-gudubyo ay Ciidamada Cabdi Iley ka geysan jireen xabsiga loo yaqaan(Jail Ogaden) kaas oo ay gacanta ku hayeen Liyu police. Dad horay halkaasi loogu xiray ayaa sheegay in si joogta ah loo jir-dili jiray, hey’adaha caafimaadka waa lagama mamnuucay xabsigaasi, sidoo kale waxaa la diiday in ehellada, abuukaatayaasha ay soo arkaan maxaabiista, xataa cuntada ayaa dhib aheyd.

Qoraalka Human Rights Watch  waxaa ku jira in dowladda ay xirtay dad qaraabo la ah dibad-bax ka dhacaya magaalada Melbourne ee dalka Australia.

Ugu dambeyntii, Human Rights Watch waxaa ay soo-jeedineysaa in baaritaan lagu sameeyo dhammaan xad-gudubyadaas dhacay iyo in dadka la baarayo lagu daro askartii waxaasi ku kacday xataa haddii ay hadda shaqeeyaan, waxaa  kale oo hey’adda xoojisay in la maxkamad la saaro Cabdi Iley iyo kooxdiisa.

Goobjoog News