U bood dhigaalka

Dowladda Thailand Oo Xirtay Dad Magangalyo Doon Ah, Soomaalina Ay Ku Jiraan

Sheeko:Dalka

War qoraal ah oo kasoo baxay hay’ada xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa lagu sheegay in xukuumadda Thailand ay si qalad ah u xirtay 64 qof oo magangelyo doon ah oo ay ku jiraan 7 caruur ah dadkaas oo kasoo kala jeeda Somalia Iyo Pakistan.

Hay’addu waxay sheegtay in saraakiil ka tirsan Thailand iyo boliiska dalkaasi ay weerar ku qaadeen dhisme dadkaasi degenaayeen oo ku yaala Bankok iyagoo halkaasi ku xiray tiro ka mid ah dadkii deganaa dhismahaas oo isugu jiray Soomaali iyo Pakistan kuwaas oo dhammaantood ahaa magangelyo doon.

Dadkaas la xiray ayaa dhammaantood la maxkamadeeyey iyagoo lagu eedeeyey iney dalka ku joogeen sharci darro waana la ganaaxay, iyadoo loo gudbiyey laanta socdaalka ee Suan Phlu ee Bankok sida ay sheegtay Human Rights Watch.

Dadka la xiray waxaa ka mid ah carruur iyadoo midka ugu yar ay da’diisu tahay 14 jir, hay’aduna waxay sheegtay in xariga carruurta uu si gaar ah waxyeelo u gaarsiinayo caafimaadka carruurta.

Hay’addu waxa ay ugu baaqday dowlada Thailand in ay sii deyso dadkaas u xiran iyo carruurtooda  kuwaas oo ah dad magangelyo doon ah .

Dagaalada kasii socda qeybo ka mid ah koofurta iyo bartamaha Somalia ayaa sababay in dhibaato weyn ay soo gaarto dadka rayidka ah waxayna hay’adu sheegtay in dadkaas magangelyo doonka ah ay xaq u leeyihiin iney helaan xuquuqdooda lana caawiyo maadaama ay yihiin dad magangelyo raadis ah.

Goobjoog News