U bood dhigaalka

Human Rights Watch Oo Eedeysay UNHCR Iyo Dowladda Kenya

Sheeko:Dalka

Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in dowladda Kenya iyo hay’adda UNHCR ay ku guuldareysteen in qaxootiga Soomaaliyeed ee dib uga laabanaye Kenya waafajiyaan hanaanka dib u celinta qaxootiga xeerka caalamiga ah.

Bill Frelick oo ah agaasimaha laanta xuquuqda qaxootiga ee hay’adda Human Rights ayaa sheegay in dowladda Kenya aaney fursad muhiim ah siinin dadka qaxootiga si ay u kala xushaan joogistooda iyo bixidooda.

Waxa uu sheegay Agaasimaha sidoo kale in hay’adda UNHCR ay iyadana dadka siinin warar sax ah oo ku saabsan xaaladda amniga Soomaaliya.

Frelick ayaa hoosta ka xariiqay in qaxootiga hadda usoo laabtey Soomaaliya ay ka baqeen in si qasab ah lagu soo celiyo sidaa darteedna ay doorbideen in dalkooda isaga laabtaan.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa xeryaha qaxooti ee dalka Kenya ka socday dib usoo laabashada qaxootiga Soomaaliyeed inkastoo weli dadka soo laabanaya aan loo diyaarin qorshe ay noloshooda ku maareeyaan.

Goobjoog News