U bood dhigaalka

Human Rights Watch Oo Qatar Ka Dalbatay Ilaalinta Xuquuqa Shaqaalaha

Sheeko:Dalka

Hay’adda Human Rights Watch ayaa hoosta ka xariiqday in madaxda dowladda Qatar ay waajib ku tahay ilaalinta shaqaale gaaraya 800 oo kun oo ajanabi ah kuwaasi oo waxyeelo ay ka soo gaarto cimilada ay ku shaqeynayaan iyo kuleylka ka jira dalkaasi.

Hay’adaan oo xarunteeda tahay New York ayaa dowladda Qatar waxa ay ugu baaqday inay baarto sababaha ay u geeriyoodaan shaqaalaha iyo in ay soo sheegto natiijada ka soo baxa baaritaanka, waxayna kula talisay in shaqaalaha ay u dajiso siyaasad caafimaad oo ay ku haboontahay in ay ku shaqeyn karaan.

Human Rights Wach ayaa sheegtay in Qatar aysan tiro koob ka soo saarin shaqaalihii geeriyooday sanadkii 2012.

Saraakiisha caafimaadka ayaa waxa ay sheegeen in sanadkii 2012 kii ay geeriyoodeen 520 shaqaale oo u kala dhashay dowladaha Hindiya, Bangaaladheesh iyaga oo tilmaamay in boqolkiiba todobaatan aysan Qatar wax fasiraad ah aysan ka bixin arintaan.

Waxaa xusid mudan in Qatar ay ka shaqeeyaan boqolaal kun oo shaqaale Ajaanib ah kuwaasi oo dhisaya garoonka Qatar ay ku qaban laheyd ciyaaraha koobka aduunka sanadka 2022 da.

Kooxaha u ololeeyo xaquu-qul insaanka ayaa waxay leeyihiin in badan oo ka mida shaqaalaha waxay u geeriyoodeen  daruufo aad u adag oo ay ku shaqeynayeen.