U bood dhigaalka

Human Rights Watch Oo Soodhoweysay Xarigga Cabdi Iley

Sheeko:Amniga

Hay’adda Human Rights Wach ayaa soo dhoweysay xariggii dowladda Itoobiya u geystay Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamed Cumar.

Waxa ay hay’addan ku baaqday in sidoo  kale la xiro cid walbo oo ku lug laheyd xadgudubyo loo geystay shacab aan waxbo galabsan.

Hay’adda waxaa ay sheegtay in ay taageersantahay xarigga loo geystay Cabdi Iley islamarkaasna tani ay bilow u tahay cadaaladda dhibanayaashii dambiyada Culus loogu gestay gobolka Soomaalida Itoobiya.

Human Rights Wach waxaa ay tilmaantay in ay rajeyneyso in xarigga Cabdi Iley uu xigo qabqabashada Saraakiishii ka dambeeyay in la dhibaateeyo Shacab aan waxba galabsan.

Hay’adda ayaa Madaxda Itoobiya ka dalbatay in ay hubiyaan in Maxkamadaha ay yihiin kuwo hufan sidoo kalena dhibanayaasha ay marqaati furi karaan.

Xeer ilaalinta guud ee Itoobiya ayaa tilmaantay in Cabdi Maxamed Cumar Iley loo heysto gabood fallo ka dhan ah bani’aadannimada islamarkaasna la soo taagi doono Maxkamad.

Tani ayaa ka dambeysay isbedello ka dhacay dhulka Soomaalida Itoobiya waxaan Maamulkaasi loo doortay Madaxweyne cusub.

Dhanka kale waxaa jira xubno dhowr ah oo sidaan oo kale looga yeeray dalka Itoobiya kuwaasi oo lala xiriirinayo in ay qeyb ka ahaayeen gabood fallada uu geystay Maamulkii hore ee Iley.

Goobjoog News