U bood dhigaalka

Human Rights Watch oo War Ka Soo Saartay Haween La Sheegay in Lagu Kufsaday Xabsiga Gabiley

Sheeko:Dalka

Hay’adda u doodda xaquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku sheegtay in  haween ku jira  xabsi ku yaalla magaalad Gabiley loo gaystay tacadiyo kufsi iyo jir dil iskugu jira lixdii bilood ee ugu dambeeysay.

Qoraalkan ay hay’addu soo saartay oo warabaahinta soo gaaray, ayaa waxa lagu sheegay in haweenkaasi ay kufsadeen rag iskugu jira askarta xabsiga iyo rag kale oo uga yimid gudaha xabsiga, kuwaasi oo marar badan falalkaasi kula kacay , waxayna hay’addu intaasi raacisay iney cambaaraynayso.

Taliyaaha xabsiga Gabiley Maxamed Axmed Dhunkaal oo warbaahintu wax ka weydiisay jiritaanka warkan waxa uu sheegay iney ka dambaysay arrintan ay faafiyeen  ehelada haween dil loo haysto oo ku xiran xabsiga kuwaasi  oo ka mid ahaa dad maalinta Talaadada ah ee todobaad kasta loo sii daayo maxaabiista si ay u soo booqdaan , waxaanu taliyuhu sheegay  in markii ay soo booqanayeen ay ula sinaayeen uun ehelada caadiga ah ee maxaabiista u timaadda .

Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu culimada diinta ku cambaareeyey iney iyaguna khudbado ka sameeyeen maalinkii Jimcada ee todobaadkii hore, iyaga oo aan hubsanin taasina ay nusqaan ku tahay doorka aaminaadda ee ay bulshada u hayaan.

Taliye dhunkaal waxuu xusay in ay masuuliyad gaar ahi ka saran tahay xabsiga uu maamulo madaama ay ku jiraan haween iyagu ka nugul ragga taasina aysan marna suurogal ahayn dhibaato gudaha iyo mid dibadda uga timaadda toona illaa ay xukun caddaalad ah ka helayaan.

Xabsiga Gabiley waxa ku jira haween kala duwan   oo ku eedaysan dambiyo kala nooc ah oo loo haysto, qaarkoodna ay yihiin xukun sugayaal dacwaddoodu socoto.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada