U bood dhigaalka

Hurdo & Caajis Ma Dareentaa Xilliga Wax Akhriska Iyo U Diyaar garowga Imtixaanka, Haddaba Qaado Cuntadaan

Sheeko:War

Ardayda qaar ayaa waxay raacaan xilliga imtixaanaadka nidaam cunno oo ka dhigaya kuwo hurdada iyo caajisku ku badan yahay, iney shay diiradda saaraanna ay ku adag tahay, taas oo ku adkaynaysa inuu wax fahmo xilliga wax akhriska ee uu imtixaanka u diyaar garoobayo.

Dr. Maxamed Sayed Mascuud oo ah professor dhanka cunnada ku takhasusay isla markaana ah maamulaha ammaanka cunnada ee Masar oo la hadlay Jariidada “youm7“, ayaa yiri, waxaa waajib ah iney ardaydu ka fogaadaan cunnooyinka qaarkood iney qaataan xilliga Imtixaanka, taas oo u keenaysa iney caajis dareemaan, hurdo qabato, iney shay diiradda saarnna ku adkaysa, maadada thiamine-ka ee laga helo darteed, waxayna kala yihiin:

1- Toonta

Toonta waxaa laga helaa maddooyinka kala ah; vitamins, protein, calcium, phosphorus, carbohydrates, sodium, zinc, thiamine.

2-Basasha

Basasha waxaa laga helaa sulfur, phosphorus, chromium, oils, thiamine.

3- Radhish

Waxaa laga helaa maaddooyinka kala ah; iron, magnesium, phosphorus, potassium, sodium, zinc, thiamine, niacin.

Goobjoog News