U bood dhigaalka

ICJ oo Dacwad Dhageysaneysa 31 Maalin Kadib

Sheeko:Amniga

Maxkamadda cadliga adduunka ee ICJ ayaa 19-kii May ee sanadkan ku dhawaaqday in markii 3-aad dib loo dhigay dhageysiga dacwadda kiiska baddda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya sababo la xiriira cudurka Covid 19 iyada oo mudeysay March 13, 2021.

Arrin taasi ka duwan ayaa waxaa ay maanta soo saartay in maxkamadda ay xarunteeda ku qaadeyso June sanadkan dacwad albaabadu u furan yihiin oo ay go’aan uga gaareyso sida ay u kala garqaadi karto dalalka Guyana iyo Venezuela  waxaana ay u ku qaadi doontaa  qaab Vidio  Confernce  taasi oo su’aalo badan dhalisay.

Qoraalka maxkamadda ayaa u qornaa: Maxkamadda cadliga adduunka ee ICJ ayaa ku dhawaaqday in talaadada 30-ka June ee sanadkan abbaaraha 2-bada duhurnimo ay si furan xarunteeda The Hague ku qaban doonto dhageysiyada go’aan ka gaarista iney kala saari kato dacwadda la xiriirta 3 Oktoobar 1899 ee dalalka (#Guyana v. #Venezuela).

Su’aalaha ay dhalineyso arrintan waa:

(1). Maxaa keenay iney qaado dacwad ?

(2). Aaway Covid 19-kii ay sheegtay iney dartii dib ugu dhigeyso dhageysiga dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya?

(3). Maxkamadda ICJ miyaa labawajiilennimo wadda mise heshiis hoose ayaa jira?

(4)-Yaa khiyaanada wada?

Su’aalahaas iyo qaar kale jawaabahooda kala soco Goobjoog News.

Goobjoog News