U bood dhigaalka

ICJ Oo Maanta Mar Kale Dhageysaneysa Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Maxkamadda ICJ ee ku taalla magaalada Hague ee dalka Holland waxaa weli ka soconaya dacwadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya taasi oo ku aadan arrimaha badda.

Maanta oo Jicmo ah ayaa lagu wadaa in Soomaaaliya ay mar kale hadal ka jeediso maxkamadda, waana maalintii Labaad oo  Soomaaliya ay hadleyso.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir oo ku sugan Hague ayaa u sheegay warbaahinta in Soomaaliya ay ku taagan tahay dhabo xaq ah,  islamarkaana dacwaddan ay ku guuleysan doonto.

Wuxuu sheegay Xeer Ilaaliyaha in ay soo bandhigeen caddeymo badan, sidoo klalena ay maanta soo bandhigi doonaa kuwo kale, isaga oo hoosta ka xariiqay in Maxkamadda ICJ ay xaq u leedahay in dacwaddan sida loogu talogalay u dhageysato.

Kenya ayaa isku dayeeysa in Maxkamadda ICJ aaney dacwadan qaadin, waxaana ay sheegeysaa inuu jiro is faham ah in iyaga iyo Soomaaaliya ay ka wada hadlaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News