U bood dhigaalka

ICRC Iyo SRCS Oo u Gurmaday Dad Ka Barakacay Dagaallada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

War-saxaafaddeed kasoo baxay ICRC Iyo SRCS ayaa lagu sheegey iney u gurmadeen 60 kun oo qof, kuwaasi oo dhowaan ka barakacay dagaallada ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Wasar-saxaafedeedkan oo nuqul kamid ah soo gaarey Goobjoog News, ayaa lagu sheegay in dadkaasi loo gurmaday la siiyey raashiin, adeeg caafimaad iyo biyo.

War-saxaafadeedka ayaaa sidan u qoran:

Nayroobi(ICRC) – Ka dib iskudhacyadii cuslaa oo ka dhex qarxay xoogag hubeysan oo ka kala tirsan Galmudug iyo Puntland oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa Guddiga Caalamiga Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) dad gaaraya ilaa 60,000 barakacayaal u qeybiyeen bariis, digir iyo saliida wax lagu karsado.

Qaar ka mid ah dadkaas oo gaaraya 34,000 ahna kuwa qabaan baahiyaha ugu weyn waxaa la siiyey maryo kaneeco, baco, maacuun, baaf, jeerigaano iyo xirmooyin ku jiraanalaabta fayo-dhowrka. Hawshaas waa jawaabta deg degga ugu weyn ICRCsanadkan ka bixiso dalka. Gargaarka cuntada ayaa la filaaya inuu gaaromuddohalbiliyadoojirtorajoah in xaaladda ay degto.

Intaa waxaa dheer, waxaa la sameeyey meelo biyaha laga dhaansado oo ku meelgaar ah iyo biyo- dhaamin.Kooxda caafimaadka wareegta Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed waxay qoysaskabarakacayaasha ufidiyeenadeegyada caafimaadka.

Durbadiiba isku dhaca ka dib, sahay caafimaad ayaa la gaarsiiyey isbitaalka oo qaabilay laba dersin dad ah oo ku dhaawacmay dagaalka.

ICRC waxay la hadashay qeybaha ku lugta leh colaada in ay ka wadahadlaan fududeynta gargaarka bani’aadamnimo.

Iskudhacyada cuslaa oo bishan Oktoobar 7-deedka qarxay qeybta waqooyi ee dalka waxaa ku dhintay 11 qof daraasiina way ku dhaawacmeen.

Qiyaasaha qiimeynta ICRC waxay sheegeysa in ka badan boqolkiiba 90 dadka reer Gaalkacyo in ay u barakaceen tuulooyinka u dhow ama u dhaqaaqeen duleedka magaalada, Inta ay socoto xiisadda labada dhinac barakacuna wuu siisoconaaya.

Barakaca baahsan wuxuu imaanaya keliya sanadka dib markii rabshado ka qarxeen isladegaankan bishii Disembar 2015-kii oo ku dhinteen 21 qof, 70,000 qofna ku qasbay inay qaxaan.

Jawaabcelinta deg degga bani’aadamnimo ee ICRC sanadkan 2016 waxaa ka mid ah sahay caafimaad oo la siiyey 18 isbitaal iyo bukaan-socod eegto laguna daweeyey dhaawac 4,000 qof, waxaa cunto halbil ah la siiyey 161,000 qof, alaabta guriga 90,000 qof,  82,000 qof waxaa la siiyey sahay biyo degdeg ah.