U bood dhigaalka

ICRC oo Xeer Soomaaliga ku dartay sharciga caalamiga ah ee samafalka

Sheeko:Dalka

Hay’adda Laanqeyrta Cas ayaa sheegtey in xeerarkeeda xaga gargaarka ay ku dartay Xeer Soomaaliga ka dib markii ay ogaatay in uu xiriir la leeyahay sharciga adduunka ee samafalka, kaasi oo ah mid ka dhashay isku darka xeerarka ay dowladaha dhigtaan iyo midka dhaqanka.

Cumar Cudeh oo ah ku xigeenka ergada ICRC ee Soomaaliya oo ka hadlay muhiimada uu xeer Soomaaliga u leeyahay hay’adda, ayuu yiri “dhaqanka iyo xeerka Soomaaliga wuxuu sheegayaa wax la yiraahdo Biri Ma Geydo kaasi oo lagu dhaqmo marka ay dagaalada jiraan, waana mid isugu jira xeer dhaqan iyo shareecada islaamka, waa mid aad ugu dhaw xeerka caalamiga ah ee gargaarka, Xeerkani Soomaaliga ah waa mid difaacaya dadka aanan dagaalka ku jirin, gaar ahaan caruurta, dumarka iyo odayaasha”

“Waxa xiisaha leh waxa ay yihiin in dadka uu xeerkani difaacayo aysan kaliya ku koobneyn dadka liita, balse sidoo kale dadka kaalinta muuqata ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed, tusaale odayaasha oo kale waa dad dhex dhexaadiya xasaradaha, waxayna dadka isaga kala gudbiyaan fariimaha nabadda” ayuu yiri Cumar.

Mar uu ka hadlay qaabka ay u isticmaali karto hey’ada xeer Soomaaliga ayuu sheegey in maadaamaa ay ku jiraan arrimo gargaar uu xeerkani muhiim u yahay, isaga oo si gaar ah farta ugu fiiqey isu ekaanshiyaha xeer Soomaaliga iyo xeerka caalamiga ah ee samafalka.

Wuxuu sheegey in maadaamaa shaqadoodu tahay baafinta iyo isu keenista dadka kala maqan iyo waliba booqashada dadka xabsiyada ku jira in ujeedkoodu uu yahay in ay booqan karaan maxaabiis kasta oo xabsi ku jirta Soomaaliya meesha ay doonaan ha joogaane, kooxda ay doonina ha u xirnaadaane.

Wuxuu sheegay in sanadkani oo kaliya ay booqdeen 4,500 oo maxaabiis oo ku kala jira 24 xabsi, iyadoo ujeedadu tahay sidii loo daryeeli lahaa maxaabiista, xuquuqdoodana loo ilaalin lahaa.

Waxay noqoneysaa markii ugu horeysey oo la aqoonsado xeer Soomaaliga, laguna daro sharciga caalamiga ah ee samafalka.

Goobjoog News