U bood dhigaalka

Idaacadaha Shabeelle iyo Sky ee Muqdisho oo la xiray

Sheeko:War

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta albaabada iskugu dhuftay idaacadda shabeelle iyo sky FM ka dib markii ay ciidamadu xoog kusoo galeen xarunta idaacaddaha ee magaalada muqdisho.

Mohamed Bashiir Xaashi tifaf-tiraha idaacadda shabeele oo Goobjoog FM la hadlay ayaa sheegay in barqadii maanta isagoo idaacadda ka maqan ay ciidamadu soo weerareen idaacadda ka dibna halkaas oo ay ka qaateen qalabkii , iyagoo sidoo kale watay qaar ka tirsan shaqaalaha idaacadda iyo milkiilaha labada  idaacadood.

Idaacadaha waxay wada deggan yihiin dhisme ku yaalla agagaarka hoyga Xamar  ee degmada Hodan, wuxuuna howlgalka lagu xiray dhacay xilli ay hawada ku jireen.

Waxaan la ogeyn sababta dhabta ah ee ka dambeysa xarigga idaacadaha iyo shaqaalaha, iyadoo Maamulka idaacadaha iyo saraakiisha dowladda weli aanay ka hadlin arrintan.