U bood dhigaalka

Idaacadda Goobjoog Oo Booqatay Xero Qaxooti Oo Ku Taalla Xuduudda Siiriya Iyo Turki (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Qaxootiga Siiriya ee ku sugan dalka Turkiga ayaa isku dayaya in ay la qabsadaan nolosha dalkaasi maadama uu dalkooda ka socdo dagaal sokeeyey oo taabtay nolosha qofkasta oo Siiriyaan ah.

Tiro weriyayaal ka socda qaaradda Afrika ayaa igu wehlinaya safar aan ku tagay mid ka mid ah kuwa ugu weyn xerooyinka ay dagan yihiin qaxootiga Siiriya .

Magaladda Gaziantep oo ay ku taallo xerada Nizip ayaa u jirta xuduuda Siiriya dalka Turkigu uu la wadaago 40 km, waxaana aad loo adkeynaya ammaanka Xuduudda dalkaasi.

Xeradan waxaa ku nool dad gaaraya 30,000 oo ruux sida uu inoo sheegay masuul sare oo ka tirsan hay’adda Maareynta musiibooyinka ee (AFAD) taas oo maamushay xeradan qaxooti.

Markii aan soo galnay Xerada Nizip waxaan ku kaftannay inagoo dhowr weriye oo Afrikan ah in marka la eego nolosha meesha ka jirta iyo sida guryaha ay u dhisan yihiin in meesha aysan aheyn goob qaxooti oo ay tahay xeradani hotel Five Star, maadaama ay maskaxda ay nooga jirto muuqaalka aan ka heysano xerooyinka qaxootiga ee qaaradda Afrika ku yaalla Sida Dhadhaab oo kale .

Qoys kasta oo ku nool xeradan waxaa la dajiyey guri ka kooban Jiif, fadhi, goob yar oo lagu nasto iyo Suuli.

Waxaa guryaha ku jira qalabka wax qaboojiya xilliyada kuleylka iyo kuwa wax kululeeya xiliga qabowga, xeraddu waxa ay leedahay suuqyo waa weyn oo dadka xerada jooga ay ka adeegtaan.

Iskuullo waxbarasho, xarumo buugaagta lagu akhristo, garoomo loogu talagalay in dhallinyarada xerada ku jiraa ay ku ciyaaraan nuucyadda Ciyaaraha oo u sameysan hab caalami ah, meello loogu tala galay in carruurta lagu ciyaarsiiyo, Isbitaal loogu talagalay in uu wax ka qabto xaaladda caafimaad oo ay dhaqaatiir fadhiso iyo agabyo kale oo looga jeedo Daryeelka qaxootiga Siiriya ee Turkiga ku dhaqan.

Guri kasta waxa uu leeyahay koronto joogta ah qalabka biyaha kululeeya, Qalabka cuntada lagu kariyo oo hadba meel loo rari karo taas oo ay wehliso Cunno si joogta ah loo siiyo qaxootiga iyo lacag kaarar ku jirta oo bishii mar ay uga soo adeegtaan Suuqa weyn oo ku yaalla xeradda dhexdeeda.

Guud ahaan dalka Turkiga waxaa ku yaalla 27 xero qaxooti oo dhammaan daryeella qaxootiga Siiriya inkastoo ay wehliyaan qaxooti kasoo cararay dagaaladda Iraq oo ciraaqiyiin ah.

Turkiga oo ah wadanka Seddexaad ee caalamka ugu deeqa macaawinadda ugu badan ayaa hadda marti gelinaya 2.8 Million oo Siiriyaan ah.

Waxaa la ii sheegay intaan ku sugnaa magaladda Gazitiantep in Siiriyaanka usoo qaxay Turkiga ay ka badan yihiin dadka magaladda ku nool.

Qof kasta oo xeradan ku jira waxa uu kuu sheegayaa in nolosha ay ku heystaan Turkiga ay wacan tahay balse dalkoodii wax u dhaama ay san jirin.

Cabdalla Siyaad oo ka mi dah qaxootiga Siiriya ayaa mar aan halkaasi kula sheekeysannay waxa uu ii sheegay in rajo wanaagsan ay ka qabaan in dalkooda ay u laabtaan xaaladuna ay wanaagsanaato waxa uu ii sheegay sidoo kale in xaaladda dalka ay xeradaan kala socdaan oo weli dagaallo ba’an ay ka soconayaan magalooyinkii ay ka soo qaxeen.

in kabdan 145, 000 oo qaxooti Siiriyaan ah ayaa soo gaaray xeradan Saddexdii bil ee ugu horreysay sanadkan 2016 taas oo ka marqaati kacaysa xaaladda liidata ee Dalka Siiriya.

Mrka aad si hoose ula sheekeysato qaxootiga reer Siiriya waxa ay kuu sheegayaan in ay jeclaan la haayeen in ay aadan dalka Jarmalka haddii ay fursad helaan maadama qaar badan oo ehladooda ka mid ah ay dalkaa ku sugan yihiin.

Qaxootiga Siiriya ee Turkiga jooga badankood waa rag, in ka badan 1.3 qaxootiga da’doodu waxa ay ka yartahay 19 taas oo muujineysa xaqiiqda ah walaaca loogu yeero Jiilka Lumay ee Siiriya.

Haweeney da’a ah ayaa ii sheegtay in xeradan ay timid kadib markii ay u dul qaadan weysay xaaladda magaladda ay ku nooleyd oo ay tiri madaafiic ayaa aad loola dhacay iyada oo ka timid dhanka sham gaar ahan goob ay isku fara saareen mucaaradka iyo dowladda Siiriya iyadoo xustay in rajadeydu ay wanaagsantahay.

Taas oo jirta ayaa haddana madaxa hay’adda maareynta musiibooyinku waxa uu inoo sheegay in ay suurta gal tahay in dadkani Turkiga ay sii joogaan 20 sanno ee soosocda ama xittaa ugu dambeyn ay ku dhex milmaan shacabka dalka Turkiga maadama ay waqti qaadaneyso in ay dib u laabtaan.

Gabar da’yar oo Siiriyaan ah oo aad u xishooneysa ayaa ii sheegtay in aysan kala jecleyn meesha ay ku noolaaneyso oo rabto oo kaliya meel nabad ah ha noqoto Dimishiiq ama Yurub ha noqotee xili uu ag fadhiyey Aabaheyd oo da’ah balse u heelan in uu la hadlo suxufiiyiinta xeradda Soo booqatay.

Cali Xaaji qurbaan oo ah nin heysta carruur uu awoowe u yahay ayaa ii sheegay in ilmihiisa qaar ka mid ah ay ku suganyihiin dalka Jarmalka laakiin haddii uu maqlo in Bashaar Al-Asad laga xoreeyey dalka Siiriya ama uu ka tago dalkaa in isla Bariba uu laabanayo.

Turkiga ayaa dhawaan la saxiixday wadamada Midowga yurub hishiis ku aadan in dib loo soo celiyo qaxootiga dalka Siiriya ee sida sharci darada ah ku galaya wadamada Midowga Yurub iyadoo taa badalkeedana midowga Yurub ay qaxooti ka qaadanayaan gudaha dalka Turkiga si loo yareeyo qul qulka qaxootiga.

IMG_0440 IMG_0446 IMG_0449 IMG_0455 IMG_0465 IMG_0467 IMG_0477 IMG_0524 IMG_0529 IMG_0535 IMG_0540 IMG_0541 IMG_0542 IMG_0559 IMG_0569 IMG_0582 IMG_0600 IMG_0604 IMG_0607 IMG_0611 IMG_0613 IMG_0615 IMG_0622 IMG_0625 IMG_0634 IMG_0636 IMG_0637

W/D: Axmed Weli Xuseen

Tifaftiraha Goobjoog Fm